Somali News

Madaxweyne Biixi”Maxkamada sare ee Soomaaland ayaa go’aan ka gaarayso doorashooyinka”

Kulankui 62aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda , loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021.

Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku midka ah ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Somaliland.