Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo baajiyay kulan uu ugu yeeray xildhibaannada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu baajiyay kulan uu saacad ka hor ugu yeeray Xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeda Beesha Hawiye, kaasi la filayay inuu ka dhaco Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo ka mid ah mudaneyaasha golaha shacabka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in xildhibaannada kol sii horeysay fariin loo diray, islamarkaana uu madaxweynaha ka dalbaday in ay u yimaadaan, hayeeshee saacado kadib xildhibaannada lagu wargeliyay inuu kulankaasi baaqday.


“Waxaan u maleynayaa in madaxweynaha uu ka maarmay xildhibaannada, islamarkaana arrintii uu ka lahaa uu meel kale helay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi

In ka badan 30 maalmood ayuu dalka laheyn wax ra’iisul Wasaare ah, iyadoona madaxweynaha Soomaaliya laga sugayo magacaabista R/wasaare cusub.

Halkan hoose ka dhageyso codka xildhibaanka