Somali News

Madaxweyne Gaas oo maanta gaaray magaalada Garacad ee G/Mudug

Garacad-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garacad ee gobolka Mudug ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu soo dhaweeyay maanta magaalada Garacad oo 200 KM u jirta magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo halkaas uu sida la sheegay ka dhagax dhigi doono Dekad cusub oo laga hergelinayo magaalada Garacad.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa halkaas ka jeediyay hadal uu kaga hadlay Dekada Cusub ee laga herkilinayo magaalada ayaa sheegay in uu meel marinayo rabitaanka shacabka magaalada.