Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga ka dhageystay warbixin ku saabsan dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Khawaarijta.