Somali News

Madaxweynihii hore ee Ghana oo geeriyooday

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa dhintay isagoo 73 sano jir ah.

Wararka ka imaanaya caasimadda Accra ayaa sheegaya in madaxweynihii hore uu ku dhintay isbitaalka ka dib muddo gaaban oo uu xannuusanaa.

Isagoo ka tirsan ciidammada cirka Ghana ayuu agaasimay laba afgembi sanaddii 1979 ka hor inta uu xilka ku wareejinin dowlad rayid ah laba sano ka dib.

Wuxuu madax u ahaa kooxda milatariga ee dalka u horseeday doorashooyinka axsaabta badan sanaddii 1992 markaas oo madaxweyne loo doortay .

Wuxuu xilka ka dagay 2001 ka dib markii uu laba muddo xileed dalka maamulayay.

Wuxuu mar ahaa ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.