Somali News

Mareykanka oo war ka soo saartay shirka lagu wado inuu ka furmo Dhuusamareeb

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si weyn u sugeyso natiijada shirka Dhuusamareeb 3, baahida loo qabto wadatashiyo iyo isu tanaasul dhab ah oo furo u noqda in is afgarad laga gaaro, nooca doorasho ee raalli la isaga yahay wuxuu u baahan yahay DFS, Maamul Goboleedyada, Bqarlamaanka iyo daneyayaasha siyaasadda.

“Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa, iyadoo aanu jiri doonin wax muddo kororsi”

Qoraalka mareykanka ayaa sidoo kale looga baaqay in madaxda Dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka ay Dhuusamareeb isugu tagaan, islamarkaana ay heshiis ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta