Somali News

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada maanta?

Shirka Golaha wasiirada ee todobaad laha ah oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale