Somali News

Maxaabiis ku xirneed Xabsiyada Kenya oo maanta Muqdisho laga soo dajiyay

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 35 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada dalka Kenya.

Muwaadiniinta ayaa waxaa la socday Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxeyna galinkii danbe ee maanta ka soo degeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xabiib Maxamed Cigaal Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maxaabiista intooda badan ay ku xirnaayeen magaalada Gaarisa, ayna ku guuleysteen in ay lasoo wareegaan dalkana dib ugu soo celiyaan.

Qaar ka mid ah dadkaas laga soo saaray xabsiyada dalka Kenya ayaa sheegay in ay sharci daro ku xirnaayeen balse markii ay arkeen mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya ay aad u farxeen iyaga oo uga mahad celiyay mas’uuliyiintii soo deyntooda isku howshay.