Somali News

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta xukunno riday

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday ganacsade la sheegay in lagu helay in uu sameystay shirkad u shaqeyneysay sida Bankiyada oo kale, balse aanan shati ka heysan Bankiga dhaxe ee dalka.

Ganacsada aha xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cabdullaahi Axmed Maxamed ( Xaaji Gaaboow).

Waxaana lagu eedeeyay in uu u shaqeynayay sida Bankiyada, iyada oo uusan ka diiwaangelin shirkadiisa dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen xeerilaalinta.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr Cabdiraxmaan Saciid Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdullaahi Axmed Maxamed ( Xaaji Gaaboow) lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 920,000 oo Dollar.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xurriyadiisa dib ugu celisay Ayuub Shiikh Maxamed Amiin.

Dhawaan ayay aheyd markiii maxkamada gobolka banaadir ay xukunno ku riday Shaqaalo ka tirsanaa Wasaaraddaha Caafimaadka, warfaafinta, kaluumeysiga iyo kuwa kale, kuwaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dad weyne