Somali News

Maxkamadda sare ee Britain oo diiday go’aanka Johnson

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Sare ee Britain ayaa maanta xukmisay inay sharci-darro tahay tallaabadii ra’iisul wasaare Boris Johnson uu baarlamanka ku kala diray muddo shan toddobaad ah.

Xukunkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah awoodda Johnson, waxayna shaki cusub gelineysaa wacadka uu ku maray inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub 31-ka October, xitaa haddii aan heshiis lala gaarin Brussels.

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Britain, John Bercow, ayaa durba ku dhowaaqay in xildhibaannada ay dib u kulmi doonaan subaxnimada arbacada.

Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, oo iminka ku sugan magaalada New York, ayaa warbaahinta Britain u sheegay “Inuu si xoogan u diidan yahay” go’aanka balse uu xushmeyn doono.

Waxa uu ku dooday in hakinta shaqada baarlamanka ee illaa 14-ka October ay ahayd tallaabo iska caadi ah, oo dowladdiisa u ogolaaneysa waqti ay ku dejiso ajende sharciyeed cusub.