Somali News

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo caawa kulan ku leh Muqdisho

Kulan aan caadi aheyn ayaa hada waxaa uu ka socdaa Hotel Decale, oo u dhow garoonka diyaaradaha Aadan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeya Madaxweynayaasha Hirshabeele, Koofur galbeed, Galmudug iyo xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ah.


Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in kulanka diirada lagu saarayo hadalkii ka soo yeeray R/wasaare Rooble iyo madaxweyne Qoor qoor.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka intiisa badan diirada lagu saarayo arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka sii xoogeystay ee ka dhashay go’aanka ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa haatan albaabada u xiran, iyadoona warbaahinta ay dibad joog ka tahay.

Wali wax xal ah lagama gaarin arrimaha doorashooyinka dhan walba, guddiga lagu muransan yahay, arrimaha gobolka Gedo iyo xubnaha wakiilada Somaliland, balse dowladda waxey ku dhawaaqday in doorashada horay loogu socon doono