Somali News

Mucaaradka oo ciidamada DFS ugu digay in ay ku milmaan siyaasada

Kulan ay xalay Midowg Mushaxiinta mucaaradka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho  ayaa digniin u diray saraakiisha iyo ciidamada dowladda, iyagoo uga digay inay ku dhex milmaan howlaha siyaasadeed ee dalka, waxayna ka dalbadeen in aysan wax is hor-taag ah ku sameyn banaanbaxa ay qabanayaan Jimcaha xubnaha mucaaradka ah.

Afhayeenka midowga musharixiinta mucaaradka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafada  kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax kasta ay u diyaariyeen dadka banaanbaxa ka qeyb gelaya maalinta Jimcaha ah.

Sidoo kale Daahir Geele ayaa shaaca ka qaaday  in qorshahooda uu  yahay in salaadda Jimcaha lagu dukan doono fagaaraha Daljirka Daahsoon, isla markaana ay dadka u diyaariyeen ciidan ilaaliya ammaankooda iyo wax kasta oo adeeg ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay ku dhawaaqday in  gebi ahaanba la mamnuucay dhammaan isu-soo baxyada iyo isu-imaatinnada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

Go’aankan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegma, xilli Midowga Murashixiinta Muqdisho ay ku baaqeen in dibad-baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda maalinta Jimcaha laga sameeyo magaalada Muqdisho.