Somali News

Muuse Biixi oo dib ugu soo laabtay Hargeysa eedeyna u jeediyey Dowladda Federaalka

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Soomaaliland  Muuse Biixi Cabdi oo Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Hargeysa ayaa waxaa xaa Garoonka loogu soo dhaweeyey si ka duwan sidii waayihii hore loo soo dhawey jiray waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland.

Muuse Biixi  oo soo dhaweytiisa kadib warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu  si kulul uga hadlay Go’ankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Geinea, oo isga ay maanta u soo dhamaatay casuumaad uu u fidiyey Madaxweynaha dalkaas.

Warkii kasoo baxay dowladda federaalka ayaa ku tilmaamay mid la iska yiri oo aan loo fiirsan, isagoo sheegay markii ay tageen dalka Geinea isaga iyo wafdigiisu in si heer sare ah loogu soo dhaweeyey loona maa maamuusay sidii ay ka filayeenba.

 “Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOM ilaaliso, waxaana leeyahay anaga manihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay, waxaan nahay wadan mudo badan xor ahaay waxey Geinea xiriirka ugu jareen maxaad usoo dhoweyseen, maqaadaneyno waxa ay wado dowladda Xamar waxaana qaadeynaa tallaba kasta oo nala soo gudboonaata,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.