Somali News

MW Xasan Sheekh oo sheegay iney xaqiijinayaan fulinta qodobadii lagu heshiiyey

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray wejigii labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed oo xal looga gaaray dhammaan tabashooyinkii laga qabay hannaanka doorashooyinka Dowlad-goboleedka KGS.

Xiritaanka Shirkii dib uheshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ka balan qaaday iney xaqiijin doonaan fulinta heshiiska shirka baydhabo oo mudo lagu howlanaa sidii meel la isugu keeni siiyaasiyiinta si loo xaliyo khilaafka jira.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in deeganada maamulka Koonfur Galbeed laga bilaabi doono dagaal ka dhan ah Alshabaab oo inta badan gobolada dalka kasocda.