Somali News

Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay dalka Turkiga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay Hoteel ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ninka iyo xaaskiisa ayaa waxaa soo kala dhex galay muran, waxaana sababta dilka ay dad goobjoogeyaal ah ku sheegeen in ninka uu xaaskiisa kula dooday in ay siisay waxyaabaha Maanka dooriya.

Ciidamada Booliiska dalka Turkiga ayaa gacanta ku soo dhigay ninka dilka geystay, isaga oo qirtay in uu geystay dilkaasi.