Somali News

NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Maaddo qaraxyo ay ka sameyn rabeen Al-Shabaab iyo xubnihii watay

Muqdisho-KNN- Laamaha Ammaanka dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maaddada loo yaqaanno (Sulfuric Acid) taasi oo kamid ah wax yaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ku sheegtay in gacanta ay ku dhigeen  maadadan oo 79 tan ah , ay Al-Shabaab u adeegsadaan sameynta qaraxyada.

Xubnihii watay maadadan ayay sidoo kale sheegtay in hay’adda NISA ay gacanta kula soo dhigtay, inkasta oo aysan shaacin magacyada iyo tirada shaqsiyaadka ay qabatay hay’addu.

Baadhitaanno ay hadda ku wado hay’addu kadib, ayay sheegtay in ay wajihi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.