Somali News

Puntland iyo Jubbaland oo iska fogeeyay eed ugu timid DFS

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubaland, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa jawaab ka bixiyay war ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa in uu fashilmay shirkii Muqdisho.

Labada maamul ee Puntland iyo Jubaland, waxay beeniyeen eedaynta dowladda Federaalka oo la xariirtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen in dalku doorasho aado, islamarkaana ay fashiliyeen shirkii Muqdisho.

Wasiirada labada dowlad goboleed, waxay sheegeen in uusan fashilmin shirka, balse madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu awoodda wareejiyo, maadaama mudda-xileedkiisu dhammaaday.

Sidoo kale, waxay boor isku-qarin ku tilmaameen hadalka wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo sheegay in Puntland iyo Jubaland fashiliyeen Shirka.

Wasiirka Warfaafinta Dawladd goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima-cadde ) ayaa sheegay in aysan jirin Shir fashilmay oo Puntland iyo Jubbaland ogyihiin, waxa uuna tilmaamay in maanta shirku uu ku soo dhamaaday in la isusoo nasto oo dib la iskugu soo laabto markale