Somali News

Puntland oo ka hor timid Xeerka Warbaahinta ee maanta la dhaqan geliyay

Garowe-KNN-Maamulka Puntland ayaa ka hor timid Xeerka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta la dhaqan geliyay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay ka soo hor jeedo xeerka maanta la dhaqan geliyay ee warbaahinta.

Waxa uu sheegay wasiirku in maamulka Puntland aan lagala tashan xeerkan, sidaa awgeedna ay kasoo horjeedo.

Waxa uu intaa ku daray in Puntland deegaannadeeda uusan ka dhaqan geli doonin xeerkan, maadaama buu yidhi, qodobbada qaar ee ku jira ay ka soo dhaliileen weriyaashii iyo warbaahinta madaxa bannaan ee ka qayb galay, munaasabaddii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu dhaqan gelinayay xeerka warbaahinta Soomaaliya.