Somali News

Qalalaaso ka socdo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gado

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ayaa kusoo waramaya in gudaha degmadaasi maanta uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo wafdi Wasiirro Jubbaland ah oo Ku sugan xarunta gobolka Gado ee Garbahaarey.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo agaasimay sida warar KNN heshay ay sheegayaan shacabka degmada iyo meliteri ka tirsan xogga dalka.

Sida la sheegaya Wafdigan waxaa ay hor u dhac u yihiin wafdi kale oo uu hoggaaminayo madaxweynaha jubbaland Axmed madoowe oo la filaye in ay garaan magaalada Garbahaarey maalmaha soo aadan.

Dhinaca kale warar hada soo baxaya ayaa sheegay in labo wasiir oo ka tirsan jubbaland ay weerar ku qaadeyn shacabkii banaanbaxa dhigaye.