Somali News

Qaramada Midoobey oo ka walaacsan xaaladda Covid-19 ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Warbixin uu soo saaray wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu walaac xoogan kaga muujiyay xaalada Soomaaliya ee la tacaalidda xanuunka coronavirus ee dunida sida wayn saamaynta ugu yeeshay.

Swan ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo saamaynta covid 19 caalamka uu ku leeyahay xiligan  gaar ahaan Soomaaliyana la tacaalidda corona ay juhdi badan ku bixinayso, balse daruufo kale oo dalka ka jira uu ka cabsi qabo in meelaha qaar ay tagi waayaan Hay’adaha gar gaarka.

“Soomaaliya waxaa ay kasoo kabaynaysaa bur bur sodonkii sano ee lasoo dhaafay ay wajahaysay waxaa si joogto ah ugu soo laab laabta xaalado bani aadanimo oo aad u daran,walaaceena ugu wayn waxaa uu yahay in xaalada xakamaynta crona virus ay faraha ka baxdo,waayo xaalado amni ayaa jira oo qaybo badan oo dalka kamid ah ragaadiyay marka waxaa suuro gal ah hay’adaha gar gaarka ay tagi waayaan meelo xaalado halis ah oo bani aadanimo ay ka jiraan ayuu warsaxaafadeedkiisa ku yiri james swan.

Waxaa sidoo kale warkan looga digay dowlada Soomaaliya in ay dhayalsato la dagaalanka covid 19 oo kiisas ka badan saddex kun  oo qof dalka laga diiwaan geliyay.

Coronavirus ayaa u muuqda in markale uu kusoo laba kacleeyay meelo badan oo dunida ka mid ah magaalooyin iyo dalal dhowr ah oo horay looga qaaday xanibaado la xiriira xanuunkan ayaa haatan xaaladaasi dib ugu laabtay  kadib markii dad hor leh uu soo ritay, kuwa kalena ay u geeriyoodeen.