Somali News

Qatar oo balan qaaday inay maalgashi ku sameynayso dalka

Muqdisho-KNN-Wasaaradda tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) iyo maalgashadayaal u dhashay dalka Qatar ayaa maanta waxa ay is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaasha Qatar ka socda ayaa si wadajir ah u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.