Somali News

QM oo si kulul uga hadashay shaqaale caafimaad oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo.

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday, kuwaas oo olole tallaal ka waday degaanka markii la toogtay.

“UNICEF waxaa ka argagixiyey weerarkii goor hore oo maanta Muqdisho ka dhacay, kaasi oo si naxdin leh ay noloshooda ugu waayeen laba shaqaale gargaarka bani’adaanimo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka UNICEF.

“Shaqaalahan geesiyayaasha ahaa ee tallaalka dabeysha ayaa furinta hore ku jiray ayaga oo noloshooda u halis gelinayey inay adeeg caafimaad oo muhiim ah siiyaan caruurta baylahan. Waxaan tacisdeena u yabooheynaa qoysaska dhibanaayasha.”

UNICEF ayaa sheegtay in weerarada ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka ay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga ah, ayna tahay inaan loo dulqaadan.

“UNICEF waxay sida ugu xooggan u cambaareyneysaa weerarkan fuleynimada leh, waxayna ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta inay baaritaan buuxa ku sameeyaan. Shaqaalaha gargaarka waa inaan marnaba la beegsan.”

Kooxdii dishay labadaas qof waxay horay u sii ka xeysteen gaarigoodii, waxayna goobta ay ku dileen dhigeen gaarigii ay wateen oo qarax ku rakibnaa.

Mas’uuliyiin ka socda maamulka degmada Kaxda, gaar ahaan guddoomiyaha degmadaas iyo taliyeyaasha booliska iyo Nabad sugidda ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay, balse waxaa qarxay gaarigii meesha la dhigay.

Khasaare kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayuu geystay qaraxaas, waxaana ka badbaaday guddoomiyihii degmada iyo xubnihii la socday.