Somali News

R/wasaare Xasan Diyaab oo is-casilay kadib musiibadii ka dhacday Beirut

Beirut-KNN-Ra’iisul wasaarihii dalka Lebanon ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Ra’iisul wasaare Xasan Diyaab ayaa is casilaaddiisa ka sheegay telefishinka Qaranka Lebanon.

Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate oo Talaadadii ku qaraxday dekadda caasimadda Beirut.

Shacabka waxay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay bakhaarro ku yallay dekedda Beirut mudo lix bilood ah.