Somali News

Rabshado ka bilowday caasimada Sudan

Khartuum-KNN-Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka bilowday magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan saacado kadib markii la xiray R/wasaaraha dalkaas iyo wasiiro xukuumadiisa ka tirsanaa.

Dad caraysan ayaa xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimada gaar ahaan wadada madaxtooyada waxaana sawiro lasoo qaaday ka muuqda dibadbaxayaal taayaro gubaya.

Ciidamo tiro badan ayaa loo daabulay magaalada Khartuum kuwaaso iyana wadooyinka qaar xiray.

Ciidamada ayaa la geeyay xarunta telefishinka dawlada iyo xarumaha kale ee dawlada.

Garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ayaa sidoo kale maanta xiran sidoo kalena magaalada bandaw laga dhigay.

Sidoo kale internetka ayaa hawada laga saaray Ururka jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay tilaabada ciidamadu ku xireen r/wasaarihii dalkaas Cabdalla Xamduuk iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa oo lagu eedeeyay inay ciidamada ka hor yimaadeen.