Somali News

Raisulwasarihii Rushka iyo dhamaan golihiisii Wasiirada oo iscasilay

Raiisul wasaare Russia Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay.

Go’aankaan ayaa noqday hadal yaab leh oo lasii daayay waxyar un kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu jeediyay

Madaxweyne Putin ayaa aqbalay iscasilaadooda, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii shaqeeyan ilaa mid cusub laga dhisi doono.

Go’aanka iscasilaada ah ayaa loo maleynayaa inuu yimid kadib markii Madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Russia, si loo xaddido madaxweynaha in uu laba waqti xafiiska yimaado.

Qorshaha Putin, ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka – la siin doono awood ay ku magacaabaan ra’iisul wasaaraha iyo golaha intiisa kale, iyada oo laga soo horjeedo kaliya in la oggolaado murashaxnimadooda sida ay hadda tahay.

Medvedev wuxuu noqday ra’iisul wasaare 2012, ka dib markii uu afar sano madaxweyne ahaa. Hada wuxuu madax u yahay xisbiga talada haya ee United Russia.