Somali News

Rooble oo cayaartoyda D/Shangaani guddoon siiyey Koobka degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ku guuleysatay degmada Shingaani.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, si loo xoojiyo nabadda iyo isdhexgalka bulshadda. Iyadoo kama danbeysta tartankan ay isugu soo hareen Shingaani iyo Cabdicasiis.

Labada kooxood ee kala matalayay degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ku dhisan xirfad, taasoo soo jiidatay dhammaan daawadayaasha iyo tageerayaasha garoonka Istaadiyoow Eng. Yariisow joogay .

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyey Kooxda degmada Shingaani oo hanatay sanadkan koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale boggaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan wanaag” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Qoraalka ayaan intaas ku sii daray, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhalinyaradii naftooda ku waayey falkii argagixisadu ay ku beegsadeen habeenkii Jimcaha goob lagu caweeyo.”