Somali News

RW Xamse oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah AS & ciribtirka musuq-maasuqa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, doorka culumada iyo la dagaallanka masuq maasuqa ay dowladdu waddo.

Ra’iisal wasaare Xamse ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in  Al shabaab lala dagaalamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamse  ayaa si adag kaga hadlay cadaaladda iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa, wuxuuna sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay sheegen iney ka go’an tahay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo musuq maasuqa.