Somali News

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Sarkaal sare oo ka tirsana dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan gobolka galgaduud.

Mahad Aw Cismaan Sabriye oo ahaa madixii Jabhadaha ee Al-shabaab u qaabilsana degmada Galcad iyo deeganada Budbud,  Cowsweyne iyo Masagawaa ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga iyo kuwa difaaca deeganka ee macawisleyda, kuwaas oo ka howlgala gobalka Galgaduud.

Hagar Barre oo ah hogaamiyaha macawiisleyda ka howlgasha deegaanada hoostaga degmada Galcad ayaa sheegay in ay soo dhoweeyeen ninkaan, isla markaasna uu ka yimid Al-shabaab.