Somali News

Seddax bilood kadib Taliye cusub oo loo magacaabay booliska Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha guud ee ciidanka boolliska Soomaaliyeed ayaa Taliye cusub loogu magacaabay booliska magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Dhamme Nuur Cilmi Maxamed (Hoosa-gale) ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee booliska Dhuusamareeb, sida ku cad wareegto ka soo baxday taliska guud Booliska Soomaaliya.

Nuur Cilmi ayaa horay u ahaa Taliyaha booliska deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxaana haatan loo soo wareejiyey hoggaanka taliska booliska ee caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaa xusid mudan in Taliye Nuur Cilmi uu horay Taliye boolis uga soo noqday magaalada Dhuusamareeb, xilligii uu ka arriminayey maamulkii Ahlu-Sunna.

Xilkan loo magacaabay Dhamme Nuur Cilmi Maxamed waxaa horay isaga casilay Dhamme Burhaan Axmed Rooble oo 9-kii bishii May ee sanadkan caqabado uu sheegtay taliskii isaga ka sareeyey dartood shaqada uga tegay, wixii intaas ka dambeeyana Dhuusamareeb looma magacaabin Taliye boolis.

Taliyihii hore ayaa isku casilay tabasho uu ka qabay Taliska qeybta guud ee booliska Galmudug, si gaar ah Taliyihii xilligaas oo isagana xilka laga qaaday maalmo kadib, waxuuna ku eedeeyey in xubno lagu tuhunsanaa Shabaab-nimo uu ka sii daayey xabsiga Dhuusamareeb, isagoo adeegsanaya awoodiisa.