Somali News

Shabaab iyo Militariga Soomaaliya oo ku dagaalay deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe

Jowhar-KNN-Ciidamada militariga Soomaaliya ayaa maanta weerar ku qaaday tuulada Yaaqle oo ku dhaw deegaanka Xawaadley ee hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay iney heleen xog la xiriirta iney Al-Shabaab tuulada Yaaqle ka wadeen is uruursi ayna qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada Dowlada iyo kuwa Hirshabeelle ay dhawaan ka sameysteen deegaanada Qalimow iyo Ceelka geelow balse ciidamada ay ka hor tageen isla markaana ay weerareen.

Dagaal qaatay ku dhawaad saacad ayaa dhex maray Ciidamada DFS iyo kuwa Hirshabeelle oo isku dhinac ah iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugnaa Tuulada Yaaqle.

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Dagaalka sida Dadka Deegaanka ay soo sheegayaan.

Alshabaab ayaa ku xoogan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana dhacda in ay mararka qaar weerar toos ah ku qaadaan deegaano ay ku suganyihiin Ciidamada dowladda sida degmada Balcad oo dhow jeer gacanta u gashay Alshabaab.