Somali News

Shil dhimasho dhaliyay oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Taleex ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa uu ka dhacay shil baabuur oo qasaaro nafeed geystay.

Hal qof ayaa dhintay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray ,sida aan warka ku heleeyno.

Shilkan ayaa yimid kadib markii baabuur caasi ah uu wadada ka baxay, meel ku dhaw maqaaxida fatxi, isaga uu ku socday laamiga taleex.

Qofkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitalaada ka ag dhaw halka ay wax ka dhaceen.