Somali News

Shil dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Burco

Shil Gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Inta la xaqiijiyay shilka waxaa kuntay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeyn shan qof oo kale.

Illo wareedyo ayaa KNN u sheegay in shilka Gaari ee ka dhacay Magaalada Burco uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj-ta iyo Gaari Bas ah oo xiligaas dadweyne siday.

Warbaahinta waxaa la hadlay Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Burco ee Somaliland, isagoo sheegay in Isbitaalka la soo gaarsiiyay dad qaba dhaawacyo, balse a haatan gudaha Isbitaalka ay kula tacaalayaan xaaladooda caafimaad.

Muddooyinkii ugu dambeeyay magaalooyinka ka tirsan Somaliland waxaa ka dhacayay shilalka geysta dhimashada iyo dhaawaca, iyadoo xukuumadda Biixi aysan illaa iyo haatan arrintaan soo hadal qaadin waxbana aysan ka qaban.