Somali News

Shir looga hadlay isku furista waddooyinka deegaannada maamulka KGS oo ka dhacay Baydhaba

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Koofur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa Shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga kaas oo  looga hadlay Xaaladaha Ammaan ee ka jira deegannada uu maamulo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Sidoo kale waxaa looga hadlay shirkaasi , u diyaar garowga hawlgallo lagu furayo waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo ay ka cawdaan shacabka deegaannadaasi in ay Al_shabaab ay ku dhibaataynayaan , xilliyada ay adeegsanayaan.

Shirka ayaa waxa kaso qeybgalay Saraakiil sare oo kasocda dawladda Ingiriiska, AMISOM, Ciidamada Booliska iyo kuwa militeriga maamul  goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in baahiyaha amni ee ay shacabku u qabaan isticmaalka waddooyinkaasi ay ka jawaabi doonaan.