Somali News

Shir looga hadlayo doorashooyinka oo ka socda Muqdisho

Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa haatan ka soconaya Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Shirkan oo ah talo wadaag iyo su’aalo waydiin toos u dhexmaraysa mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada ka jira dalka iyo Guddiga Farsamada ee Ka Baaraan deggidda Tallooyinka, Hanaanka & Habsami U socodka Doorashooyinka Dalka.

Dooddaha ayaa ku saleysan ‘Doorasho Nooce ah’ ayaa ku habboon in laga hirgeliyo dalka taas oo raali laysaga wada yahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u ansixiyay Doorasho Qof iyo Cod, balse waxaa markiiba uu sharcigaasi soo wajahay soo dhoweyn la’aan baaxad leh oo la xiriirta suurta galinta daruufaha amniga ee ku xeeran ee wakhtiga iyo sida ay u qabsoomi karto.

Shirar wadatashi oo ku aadan isla qaadashada doorasho loo dhanyahay ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug iyadoo wejigii sadexaad ee shirka wadatashiga Doorashada Soomaaliya loo ballansan yahay 15-ka bishan August oo ku beegan maalinta sabtida soo aadan.