Somali News

Shirka golaha wasiirada XFS oo looga hadlay arrimaha doorashada

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Gurmadka Fatahaadaha iyo Xaaladda Caabuqa Covid-19, iyadoo la ansixiyay habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa golihiisa wasiirrada faray in la dardar geliyo howlaha xukuumadiisa horyaala oo ay ugu weyn tahay hirgalinta doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda isaga oo hore u balan qaaday inuu ka shaqeyn doono doorasho lagu kalsoon yahay.