Somali News

Soomaaliland iyo Puntland oo galabta ku dagaalamay Sool.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in maanta dagaal uu ka qarxay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay ciidamada Soomaaliland iyo Puntland ee ku sugan deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada soomaaliland ay madaafiic ku weerareen saldhig ku yaala deegaanka Tukeraq oo ay joogaan kuwa Puntland.

Jugta madaafiicda ayaa laga maqlay tuulooyin u dhow deegaanka Tukeraq.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay ay isweedaarsadeen ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.