Somali News

Suuqyada ganacsiga Garowe oo maanta xiran iyo abaabulka banaanbaxyo oo ka socda

Garowe-KNN-Shacabka ku nool magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saakay ku soo toosay iyadoo ay xiran yihiin inta badan goobihii ganacsiga iyo suuqyada magaalada, kadib go’aamo ka soo baxay ganacsatada Garowe.

Ganacsatada oo ka cabanaya kororka qiimaha lagu kala sarifto lacagaha qalaad, gaar ahaan dollarka iyo sicir barar baahsan oo ku yimid maciishadda noocyadeeda kala duwan.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Garowe ayaa noo sheegay in aysan ku sii shaqayn karin sida ay haatan wax ku socdaan, iyagoo ka cabanaya sicir barar baahsan oo ay sheegeen inuu ku dhuftay magaalada.

Waxay sheegeen in sarifka dollarkA Mareykanku uu gaaray meeshii ugu sarraysay abid, isla markaana ay xaalad adag soo wajahday inta badan dadka danyarta ah ee ku nool dabaqadda hoose oo adeegsan jiray lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in ganacsatada qaar ay manta Garowe ka abaabulayaan banaanbaxyo nabadeed oo ay maamulka Puntland uga dalbanayaan inay wax ka qabato dhibaatada ka dhalatay sicir bararka iyo qiimaha dollarka ee cirka isku sii shareeraya.