Somali News

Tahriibayaal Soomaali ay ku jiraan oo lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in la la’yahay tobaneeyo tahriibayaal ah kadib markii dooni ay la socdeen ay kula qalibantay dalka Yemen.

Dadka la’ yahay ayaaa intooda badan ka soo jeeda wadamada Geeska Afrika, waxaana ku jira Soomaali.

Khalid al-Subeihi, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ee ku sugan magaalada xeebta ah ee Mocha, ayaa sheegay in doonida ay la socdeen 75 muhaajiriin ah ay degtay Axadii.

Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in 26 qof ay ka badbaadeen balse ugu yaraan 49 kale weli la la’yahay.

Sarkaal kale oo ka tirsan ilaalada xeebaha Lt. Co. Olwan al-Qameri, ayaa sheegay in wali ay socdaan howlgalka baadi goobka dadka la la’yahay.