Somali News

Taliyaha ciidanka booliska oo Ku baaqay in lala shaqeeyo laamaha Amniga

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ugu baaqay bulshada inay garab istaagaan ciidanka amniga si Alshabaab looga adkaado, lagana saaro meelkasta oo ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab gudaha dalka.

Taliyaha oo ka hadlayay isu soo bax ka dhan ah falkii 28-ka December ee sanadkii tegay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, halkaasi oo ay shacab fara badan iyo ciidan boolis ah ku xasuuqeen ayaa shacabka ka dalbaday inay garab istaagaan ciidanka amniga.

“Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan u caddeynayaa in dalkan uu yahay dalkiina, waxaana la idinka rabaa inaad ka qeyb qaadataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo aad ku garab istaagtaan ciidanka maskax iyo maal intuba, runtii dalkan duulaan baa lagu yahay, marka waa inaan is garabsanaa oo aan hal meel uga soo wada jeesannaa argagixisada maatada laayneysa”” ayuu yiri Taliyaha ciidanka.

Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa tilmaamay in dhagarqabayaashu ay ku dhex dhuumaaleysanayaan shacabka, bulshadana looga baahanyahay inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si Al-shabaab looga adkaado.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka degmooyinka Gobolka Banaadir degan inay la shaqeeyaan ciidamada, Dalkaaga qof kale haku haleyn, sida aad uga fekereyso gurigaaga ee aad ka soo toostay isna uga feker dalkaaga oo aan gacmaha is qabsano oo la shaqeyno ciidamada, si loo guud ahaan dalka looga saaro Al-Shabaab’ ayuu yiri hadalkiisa ku daray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya.