Somali News

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka si rasmi ah kagala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay ayaa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Munaasabad waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Ra’isulwasaare Ku Xigeenka JFS, xubno Ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka, Xubno Ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliye Ku xigeenka JFS, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hay’daha Saaxiibada la ah Ciidanka Boliiska Soonaaliyeed (EUCAP, ATMIS, UNSOM & UNDP). Taliyeyaashii Hore ee Ciidamada Qalabka Sida, Taliye Xigeenada Ciidanka Boliiska, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka ayaa dhammaadka bishii hore ee janaayo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.