Somali News

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska oo maanta Xilka la wareegaya

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Ahmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegaya taliyihii xilka kaga horeeyey ee Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Waxaana Muqdisho kasocota Xaflad uu xilka kula wareegayo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaasii oo dhawaan Xilkaasi ay umagacaabeen golaha wasiirada somalia.

General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyihii xilka wareejinaya ee Booliiska Somalia ayaa shaqada ciidannimo soo bilaabay sanadkui 1977-kii waxa uuna markaasi kubiiray Ciidanka Xoogga Dalka isagoona tababarkiisii ugu horeeyay ku qaatay dugsiga General Daa’uud.