Somali News

Uganda oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay usoo dirayso 13 kamid ah ciidamadeeda booliska kuwaas oo la shaqeen doono ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom.

Madaxa ciidamada booliska dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamadan ay Soomaaliya u imaan doonaan sidii ciidamada dowladda Soomaaliya ay u siin lahaayeen tababaro caalami ah.    

Shaqada ugu wayn ay ciidamadan qaban doonaan ayaa ah tababaro ku aadan ixtiraamka, kala duwanaanta dhaqanka barashada shruucda caalamiga ah iyo dhawrida xuquuda aadanaha.

Ciidamadan cusub ay dowladda Uganda usoo dirayso soomaaliya ayaa la sheegay in ay joogi doonaan mudo hal sano ah.