Somali News

W/arrimaha gudaha oo furtay shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta

Muqdisho-KNN-Shir looga hadlayay wadatashiga diyaarinta hanaanka dib uheshiisiinta Qaran oo loo sameeyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa maanta waxa laga furay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Shirkan waxaa furay wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye, wasiirka oo ka hadlay furitaanka shirkanna waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay dib ushiisiinta.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in shirkani uu waxbadan ka badalo dib uhiisiinta gaabiska ah ee xilligan dalka ka jirta.