Somali News

Waa maxay sababta ciidamo laga qaaday Muqdisho looga dajiyay Baardheere?

Muqdisho-KNN-Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa galabta laga dajiyay degamada Bardheere ee gobalka Gedo, kuwaas oo hor dhac u ah ciidamo kale oo dowladdu ay damacsantahay in ay ku daad gureyso gobolka Gedo.

Ciidamada galabta laga dajiyay Baardheere ayaa tiro ahaan gaaraya 30 askari, waxayna saraakiisha hogaaminaysa sheegeen in ay hor dhac u yihiin ciidamo kale oo lagu daabulayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in maalmaha nasoo aadan ay gaaraan halkaas.

 Talaabadaan dowladda federaalka ay ciidamada ugu dajisay Baardheere ayaa lagu sheegay in ay hor dhac u tahay u diyaar garow loogu jiro sidii loo xoreyn lahaa gobolka Jubbada dhexe gaar ahaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolkaas oo gacanta ku hayaan Al-Shabaab in badan 10 sano.