Somali News

Waalidiinta dhalinyaro loo qaaday Eretria oo bannaanbax dhigay

Qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda tababarka loogu direy dalka Eritrea ayaa saaka ka dhigay banaanbax ay ku dalbanayaan in carruurtooda dib loogu soo celiyo dalkooda.

Waalidiintan oo watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ku dalbanayaan in ilmahooda dowlada meel ugu sheegto amaba ay dalka ku soo celiso.

Waalidiinta ayaa sigaar ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga dalbaday inuu hor yimaado, uuna ka qanciyo cabashada ay qabaan ee la xiriirta Carruurta ka maqan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id shalay qabtay ayaa beeniyey in ciidamo Soomaali ah ay tageen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia. Waxa kale oo uu beeniyey inay tageen magaalada Axum.

Dhawaan ayaa waxaa warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay lagu sheegay in ay ogaatay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.