Somali News

Wararkii ugu danbeeyay Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad Garowe ka socda

Garowe-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoominaya Shirka Wadatashiga Heer Qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Madaxdu waxa ay ka wada hadlayaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya shirkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda ay wadaan ka doodista qodobo ka mid ah ajandayaasha shirka, iyada oo la filayo in markii la soo geba gabooyo laga soo saaro war murtiyeed.

Shirkaas waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.