Somali News

Wasiir Beyle oo shaaciyay Waqtiga Deynta laga cafinayo Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda soomaaliya oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in soomaaliya ay dhammeystirtay wajiga saddexaad ee wadahadalka deyn cafinta.

Shirka kama dambeysta ah ee go’aan ka gaarista deyn cafinta soomaaliya ayaa la qaban doono bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa Mr Beyle ka ha hor shirka go’aan ka gaarista deyn cafinta soomaaliya laga doonayo dowladda inay kobciso dhaqaalaha dalka iyada oo aanan qaadaneyn wax deyn ah.

Cabdiraxmaan Bucaalle Beyle wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda soomaaliya ayaa shaaciyay wadamada soomaliya ku leh deymaha tiradooda inta ay gaarayso iyo lacagaha ay leeyihiin intaba.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuc ay taageeraayan Midowga Yurub iyo Banka aduunka oo lagu horumariyo is-dhaxgalka dhaqaalaha Waddamada Geeska Afrika iyo kulama ay wada qaateen Wasiirada dhigiisa ah ee gobolka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid faai’da badan u leh Gobolka, dalwaliba uga faa’iidaysanayo halku wax soo saarkiisu ku wanaagsan yahay.

Wasiir Beyle ayaa gabagaba sheegay in laga maarmaan tahay in labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan shuruucda dhinaca Maaliyadda ah ee Golaha Wasiiradu soo gudbiyeen ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor sanadkaan ay Soomaaliya ka gudubto waxaana ka mid ah shuruucdaasi sharciga maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.