Somali News

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Shir Looga hadlayo tayeynta talinta sharciga

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka billaha ah ee ay isugu yimaadaan Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee heer federal iyo heer Dowlad-goboleed, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha,Wasaarada Qorsheynta iyo Hay’aha Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliyeed ka taageera tayeynta Hay’adaha Cadaaladda.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay adeegyada muhiimka ah ee la gaarsiiyey bulshada Soomaaliyeed, ayadoo ay dhammaan wasaaradaha Cadaaladda ay soo bandhigeen wax-qabadkii bilaha hore ee sanadka 2019. Shirka waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo safiirada Nederland  iyo EU.

Dhinaca kale Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo agaasintay shirka lagu ansixiyo mashaariicda la xirirta Cadaaladda iyo Asluubta ee lagu taageero Dowladda Soomaaliyeed (programme steering committee) waxaana lagu soo bandhigay shirka barnaamijyada mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda Soomaaliyeed ee la xiriira Cadaaladda iyo Asluubta.

Shirka waxaa la isku raacay in si electronic ah lagu ansixiyo barnaamijka Asluubta oo ay soo gudbiyeen Hay’adda UNODC, iyadoo hoosta laga xariiqay in la dar-dar galiyo howlaha socda ee qorshaha sanaka 2019.

Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo labada shirba guddoomiyay ayaa ka hadlay  waxaana uu sharaxay muhiimada xogta la isku weydaarsaday isu imaatinka, shirka xiga ayaa lagu balamay in la iskugu yimaado bartamaha Bisha June ee sanadkaan 2019.