Somali News

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya oo la dilay.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in la dilay Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin, Abay Tsehaye oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Federaalka, saraakiil kale oo ka tirsanaa TPLF.

Ciidanka Itoobiya ayaa dilay saraakiishan, kaddib markii ay diideen inay is dhiibaan.

Seyoum Mesfin ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, xilligii Ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2006.

Mas’uuliyiintan ayaa horukacayay dagaalka ka socday gobolka Tigrey, iyagoona hoggaaminayay ciidamada TPLF ee la dagaalamaya ciidamada dowladda Itoobiy.