Somali News

Weerar ku bilowday Gaari walxaha laga soo buuxiyay oo ka dhacay G/Sh/Dhexe

Waxaa faah-faahino laga helayaa dagaal qaraar oo u dhaxeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlgalka Ex-AMISOM ee ATMIS kaas oo saakay aroortii ka dhacay degaanka Ceelbaraf oo hoostagta degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac.

Dagaalka labada dhinac ayaa yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab weerar ku bilowday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi ee ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf.

Sida la xaqiijiyay weerarka waxaa ku dhintay Askar badan oo ka tirsan kuwa Burundi, halka dhaawaca uu intaa ka badan yahay, iyadoo Al-shabaab ah ay la wareegeen Saldhigii Ciidamada Burundi ee ku lahaayeen degaanka Ceelbaraf oo hoostagta degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugnaa degaanka Ceelbaraf ay isaga baxeen, waxaana istaagay isku socodka dadka iyo Ganacsiga degaanka Ceelbaraf ee G/Sh/Dhexe.

Goob-joogayaal ayaaasheegaya in mararka qaar la maqlayo dhawaqa jugta culus oo loo maleynayo inay tahay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsanayo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weeraray Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaanka Ceelbarafa.

Dhankooda, Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka degaanka Ceelbaraf ay kula wareegeen Xerada Ciudamada Burundi, walow aysan bixinfaah faahin intaasi ka dheeri ah.

Sidoo kale, warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in 59 askari oo ka tirsan ATMIS lagu dilay dagaalka, dhowr iyo toban kalena lagu dhaawacay. Balse ma jiraan illo kale ilo ka madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wali Saraakiisha ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Salshiga Ciidanka Burundi kaas oo khasaaro iskugu jira dhimasho & dhaawac lagu gaarsiiyay.